SAWIRRO:-Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu dhisayo Dhuun Shidaal oo isku xirta Addis ababa & Casab

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay inay maalgelineyso dhismaha Dhuun shidaal oo isku xiri doonta magaaladda dekadda leh ee Casab ee dalka Eritrea iyo Addis ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay magaalada Adis ababa booqatay wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta haweeneyda lagu magacaabo Reem Al-hashimi oo kulan la yeelatay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay isla soo qaadeen xiriirka labada dal iyo maalgelinta Imaaraadka.

Reem Al-hashimi ayaa dhambaal ay ka siray Dhaxalsugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayid u gudbisay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana socdaalkeedu ku soo beegmay iyadoo uu dalalka Itoobiya iyo Eritrea booqanayo Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubair.