SAWIRRO:-Aqoon-isweydaarsi ku saabsan horumarinta xirfadleyda Caafimaadka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Waxaa shalay gelinkii lagu qabtay magaalada Muqdisho aqoon-isweydaarsi hal maalin socday oo ku saabsanaa barashada qorsheynta Maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey heyadda Caafinet oo ah heyad maxali ah oo ka shaqeysa horumarinta iyo tayeynta xirfadleyda Caafimaadka.

Hey’addan oo la aasaasay sanadkii 2017 ayaa waxaa xubno ka ah kaadiriin isugu jira dhaqaatiir iyo aqoonyahano kale oo ku taqasusay tayeynta arrimaha ganacsiga iyo fayo dhowrka sida uu sheegay agaasimaha fulinta heyadda Caafinet Maxamed Cismaan Maxamuud oo munaasabadaas ka hadlay.

“Caafinet waa heyad maxali ah oo loogu talo galay iney ka caawiso goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay la talin ku aadan horumarinta iyo tayeynta adeegyada ay bixiyaan iyo sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe hufan oo la xiriira habka maamulka iyo Maareynta ganacsigooda” ayuu yiri Maxamed Cismaan Maxamuud.

Aqoon isweydaarsigan oo ay ka soo qeyb galeen dhaqaatiirta dalka ka howlgasha qaarkood iyo aqoonyahano kala duwan ayaa waxaa casharo ka bixiyey khubaro ku taqasusay barashada qorsheynta maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga goobaha gaarka ah ee Caafimaadka, Kuwaasoo si faahfaahsan uga hadlay sida ugu haboon ee loo horumarin karo xirfadleyda Caafimaadka, iyadoo lala jaanqadayo hababka casriga ee ku soo kordhay caalamka, waxayna ka qeyb galayaasha uga jawaabeen su’aalo mowduucan la xiriiray.
Guddoomiyaha heyadda horumarinta xirfadleyda Caafimaadka ee Caafinet Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasbadan ka hadlay ayaa ka waramay baahida loo qabo casriyeynta goobaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo sidii ay uga gudbi lahaayeen kala qoqobaanta.

“Haddii dhaqtar walba uu gaar u furto Isbitaal sida hadaba jirta Waxay noqoneysaa dukaan uu shaqsi gaar ah leeyahay oo aan laheyn qorshe fiican, waxaan u baahannahay inaan taas ka gudubno oo aan helno isbitaalo awood u leh shaqadooda oo leh maamul dhexe, ganacsi tayeysan iyo istaraatiijiyad shaqeyneysa xilli fog” ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha aqoon isweydaarsigan iyo khubarada casharada ka bixiyey.

Senator Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, Sidoo kalena ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo gebagebadii aqoon isweydaarsigan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka kulankan oo oo uu sheegay inuu lahaa ahmiyad weyn oo mudan in diirada la saaro.

“Waan u hambalyeynayaa heyadda Caafinet oo soo qabanqaabisey aqoon isweydaarsigan muhiimka ah, Runtiina isbitaalada gaarka loo leeyahay wax badan baa ka qaldan, kuwaasoo u baahan in laga gudbo si ganacsigoodana uu u horumaro, bulshadana ay u helaan adeeg tayo sare leh oo ay ku qanacsan yihiin” ayuu yiri Pof. Dufle.

Aqoon isweydaarsigan oo ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa intii uu socday sidoo kale ka hadlay Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan bahda Caafimaadka iyo xubno kale oo ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira isbitaalada gaarka ah leeyahay iyo habka ugu haboon ee looga gudbi karo.