DHAGEYSO:- Puntland Iyo Somaaliland Oo Loogu Baaqay In Ay Joojiyaan Dagaalka Tukaraq

0

Cabdi Faarax Saciid Juxa Wasiirkii Hore Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya haddan Ah Musharrax U Taagan Xilka Madaxtinimo Ee Maamulka Puntland Doorashada 2019-Ka Ayaa Waxa Uu ka Hadlay Dagaalka Muddooyinkii Dambe Ka Soconayey Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Sool.

Waxa Uu Sheegay In Labada Maamul Ee Soomaaliland Iyo Puntland Ay Muddo Dheer Ahaayeen Labo Maamul Oo Deris Ah Isla-markaana Saaxiibtinimo Qoto Dheer ka Dhaxeyso.

Sidoo kale Waxa Uu Tilmaamay In Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi Uu Yahay Nin Askari Isla-markaana Hawlaha Dagaalka Wax badan Ka Yaqaan loona Baahan yahay In Dagaalkaasi La Joojiyo Maadaama Aysan Wax Faa’ido Ah Ku Jirin.

Cabdi Faarax Saciid Juxa Musharraxa Madaxweynaha Ee Puntland Ayaa Sidoo Kale Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Shacabka Ku Nool Deegaanada Gobolka Sool Ay Yihiin Kuwa U Baahan Isla-markaana Doonaya In Ay Ka Tashadaan danahooda Iyo Mustaqbalkoodu waxa Uu Ku Dambeyn Doono.