DHAGEYSO:–Kulan looga hadlay Wada shaqeynta Booliska iyo Bulshadda oo Muqdisho lagu qabtay

0

Kulankan ayaa  looga hadlayey  wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo Shacabka
Soomaaliyeed, ayaa lagu qabtay Xarunta gaadiidka Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka
Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”,
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed
“Ameeriko”, Saraakiil ka socday AMISOM, Taliyeyaasha Saldhigyada iyo
Saraakiisha kala ee duwan C.B.S.

kulankaasi, ayaa inta uu socdaya waxaa   looga dooday  sida ay wada shaqeyn karaan bulshadda iyo Booliska Soomaaliyeed , waxaana Saraakiil ka hadashay kulanka ay soo jeediyeen talooyin iyo aragtiyo kala duwan, waxaana ay sheegeyn in Boolisku uusan shaqeyn Karin kaligiis, haddii uusan helin la shaqeyn iyo garab istaag ka imaanayo Shacabka Soomaaliyeed si isku meel looga soo wada jeesto cid kasta oo khal-khal galin karta rabitaanka shacab iyo Dawladnimadooda,islamarkaasna loo baahanyahay ina layska qabto.

Hoos ka dhageyso codka