DHAGEYSO:- Garaad Maxamuud ”Beesha Caalamka Waxaan u Sheegnay In Muuse Biixi Ciidankiisa La Boxo”

0

Xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhex wadeen Puntland iyo Somaliland xubno ka socda Beesha Caalamka, Qaramada Midoobe iyo Urur Goboleedka IGAD dadaalo nabadeed isla markaasna magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ay ku noq noqonayeen xubnahaasi si xal waara looga gaadho xiisadaha ka dhex aloosan labada dhinac ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay qaar kamid ah ismadda dhaqanka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Isimada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Sool ayaa waxa ayuu sheegay in kulankaan uusan waxba ka duwanayn kuwii hore isla markaana ay wakiiladaan ka socdey beesha caalamka ay u sheegeen wixii ay horay ugu sheegi jireen oo ahaa inaysan nabad la qaadan doonin Soomaaliland inta ciidankeedu joogaan gobolka Sool.

Xilli uu la hadlayey Warbaahinta ayuu garaadku xusay in xalka kaliya ee Sool uu yahay in Soomaaliland ciidankeeda geyso LEBIDA GAATAMA, inta ka horaysana kaliya ay ogolyihiin in maxaabiista kaliya lays dhaafsado.