Al-shabaab oo la wareegay Degaan ka tirsan Gobolka Gedo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerareen deegaan lagu magacaabo Geedweyne oo ku yaalla duleedka degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.

ilo wareedyo ku sugan dooloow ayaa sheegay in degaanka ay galeen al-shabaab mana jirin wax iska cabin ah oo ay la kulmeen.

deegaanka geedweyne oo dhowr iyo 10-KM u jira degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamo ka tirsanaa Maamulka jubbaland oo fariisamo ku lahaa kuwaasi oo deegaanka iskaga baxay ka hor inta ay san shabaabka gaarin halkaasi.

Dhanka kale al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay la hadleen bulshada ku sugan deegaanka geedweyne ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale Ciidamada jubbaland ee Ku sugan degmada dooloow ayaa iyaguna waxaa ay muujinayaan feejignaan dheeri ah dooloow waxaa gaaray Ciidankii ka baxay Deegaanka Geedweyne ee haatan qabsadeen Al-shabaab