Akhriso:-Xubno Ka Tirsan Xisbiga Ka Arrimiya Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Looga Yeeray Addis Ababa

0

Xubno ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itooba ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida xaqiijiyeen xubno ka tirsan golahaas ka dib amar uu ka soo baxay xukuumada itoobiya

Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa Addis Ababa oo looga yeeray.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii faderaalku uu la tagay madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

Waxaa la xaqiijiyay in aysan la soconin Golaha dhexe saddex xubnood oo labo ka mid ah la sheegay in looga maarmi waayay in ay hawlaha dawladda sii kala wadaan.