Akhriso:-Howlgal Lagu baadigoobaayo shaqaale la afduubtay oo ka Socda gobolka Bay

0

Howlgalkaan ayaa maanta Ciidamada maamulka Koofurgalbeed waxa ay sigaar ah uga  sameenayaan deegaano dhowr ah oo hoostaga Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Ciidamo aad u hubeysan watana gaadiid dagaal ayaa lagu arkay tuulooyin ku teedsan deegaanka Owdhiigle iyo magalada Baydhabo.

Saraakiisha maamulka Koofurgalbeed ayaa waxa ay sheegeen ujeedka howlgalka inuu yahay mid ay ku baadi goobayaan shaqaalo samafal oo shalay la afduubtay.

Tuulada Busleey oo 20-km u jirta Baydhabo ayaa shalay laga afduubtay shaqaalahaan u shaqeeya Bisha Cas oo tiradooda lagu sheegay in ay ahaayeen 5-ruux oo sadax kamid ah ay yihiin dumar halka labada kalana ay yihiin rag