Akhriso:-Ciidanka Liyuu Booliska Oo Iskaga Baxay Magaalooyinka Wajaale Iyo Baligubadle , Gadiid-na La Baxsadey

0

Ciidamada Liyuu Booliiska Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka baxay Xero ay ku laahayeen Magaalada Baligubadle iyo Wajaale ee dhinaca Ethiopia.

Ciidamadan ayaa sida ay dadka Deegaanku noo sheegeen inay ay u jihaysteen dhinaca Shiilaabo iyaga oo dhexda ka sii kaxaystay Shan Baabuur oo ku soo jeeday Dhinaca Somaliland.

Marka laga yimaado Baabuurta ay kaxaysteen ma jirto dhibaato kale oo ay dadka u geysteen, hasayeeshee waxa aanay xiligan cidi ku sugnayn Xeradii ay ka deganaayeen Magaaladda Baligubadle.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaaladda Wajaale ayaa sheegaya in isla ciidamada Liyuu Booliisku ay faaruqiyeen Laba Xero oo ay ku lahaayeen Degmada Wajaale.

Ma jirto faahfaahin ka soo baxaysa sababta ay ciidamadaasi uga baxeen xeryahoodii, hasa yeeshee xiisada ayaa baryahanba ahayd mid kacsan, maadama xilkii laga tuuray Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.