TOP NEWS:- Barlamaanka Jubbaland oo si kulul uga hadlay dagaalka duleedka kismaayo kasocda

0

Baarlamaanka dowlad Goboledka Jubbaland ayaa waxa ay baaq nabadeed ka soo saareen dagaal laba beelood ku dhexmarey duleedka Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Guddi laga soo xulay Baarlamaanka Jubbaland,isla markaana loo xilsaarey xalinta dagaalka dhexmaray labada beelood ayaa si wada jir ah baaq ugu direen Bulshada,Culumaa`udiinka,Waxgaradka iyo Dhalinyarada labada beelood in si shuruud la,aan ah loo joojiyo dagaalka.

Xildhibaan Maxamed Col-U Joog Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Yuusuf oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sidoo kale baaq u direen Madaxda Jubbaland gaar ahaan Hey`adaha Amniga in ay sii wadaan isla markaasina ka qayb qaatan xalinta iyo nabadeynta labadan beelood ee walaalaha ah.

Dagaalkii ka dhacay duleedka Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo badi gaarey dadka Shacabka ah.