SAWIRRO:-Golaha wasirada puntland oo kulna xasaasi ah garoowe ku yeeshay

0

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arrimaha kala ah xaalada amniga dalka, xeerka guddiga shaqaalaha rayidka, iyo Warbixino kale.

 

Xaaladda Amniga Dalka:

Wasaaradda Amniga oo uga warbixisay Golaha Xukuumada Dawladda Puntland guud ahaan xaalada amniga dalka ayaa sheegtay in amniga dalku sareeyo, isla markaana ay dowladdu gacan bira ku qaban doonto cid kastoo isku dayda waxyeelaynta nabada iyo xasiloonida dalka, sidoo kale Golaha xukuumada dowladda Puntland oo ku dheeraaday amniga dalka ayaa faray shacabka Puntland inay garab istaagaan si dhowna ula shaqeeyaan ciidamada dhiiran ee u taagan ugaarsiga burcad diimeedka caadaystay daadinta dhiiga shacabka.

Xeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka:

 

Golaha Xukuumada Dawlada Puntland ayaa ka dooday xeerka guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda Puntland, xeerkan oo loo qeybiyey golaha xukuumada ayaa muhiimad gooniya u leh habsami u socodka howlaha shaqo ee Hay`adda Shaqaalaha Rayidka, xeerkaan oo qeexaya tayada, tirada, xirfada iyo masuuliyada guddiga shaqaalaha rayidka ee ay goluhu u balameen kulanka xiga ee golaha xukuumada in lagu meel mariyo.

 

Warbixino:

 

Ugu danbeyn Golaha Xukuumada Dowlada Puntland ayaa warbixin ka dhegeystay guddiga shilalka Gaadiidka iyo khasaaraha ka dhasha oo ku howlanaa asteynta nidaam dowli ah oo xakameeya shilalka ka dhasha habka isu-socodka dalka, sidoo kale waxuu golahu warbixin ka dhegeystay guddiga tiro koobka iyo dabagalka gaadiidka dowladda oo meel fiican marinaya habka tixraaca iyo adeegsiga gaadiidka dowladda (GD).