Qaar ka mid ah siyaasinta soomaaliyed ayaa Dowladda Somaliya ku dhaliilay inay ku fududaato go’aanada arrimaha dibadda

0

Dowladda Somaliya ayaa xilligaan lagu eedeeyay inay ku fududaato arrimaha dibadda iyo go’aanada ay ka gaarto, kadib Markii Madaxweynaha soomalaiaya maxamed cabdulaahi farmaajo oo booqday dalka ereteriya oo uu taagero u muujiyay  taasoo ka careysiisay dowlad jabuuti oo muran dhanka xuduuda ah oo kala dhaxeeyo

Iyadoo dhinaca kale  ay dhawan soo saartay  warsaxaafadeed lagu  taageerayo dowlada  Sacuudiga

Siyaasi Saciid Ciise Maxamud oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed  ayaa qaba aragtida ah in dowladda Somaliya looga baahan yahay inay aad uga fiirsato marxaladda amuuraha dibadda.

Gudoomiyaha xisbiga dadka soomaaliyed mudane Saciid Ciise Maxamud  ayaa sheegay in  La safashada Sacuudiga iyo taageerada loo mujiyay  dowlada eleteriya   loo arki kari inay dhaawaceyso xiriirka dhanka diblumaasiyadda ee caalamka  iyo Soomaliya.

Dowladda Somaaliya ayaa ku adkeysatay go’aankeeda la xariira arrimaha dibadda