DHAGEYSO:-Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Xuduudka Soomaliya Amar la’aan

0

Gaashaanle sare Cabdulahi Gaafaa Kaarshe oo ku sugan magaalada Garoowe, kana tirsanaan jiray ciidamadii millatariga dalkeena Soomaaliya xilligii dowlada Siyaad Barre ayaa waxa uu ka hadlay duulaan uu sheegay in dowlada Itoobiya ku sooqaaday dalkeena soomaaliya.

Gaashaanlaha ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya soo galeen qaybo ka mid ah gobalada Mudug iyo Nugaal waxa uu sheegay in ilaa iyo hada ogyahay deegaan Duduun oo ka tirsan xaduudka Soomaaliya inay soo galeen,sidoo kalana ay ku suganyihiin meel u dhow degmada Goldogob ee gobalka Mudug.