AKHRISO:- Xildhibanad ka hadasshay Khilaafka Cusub ee Canada iyo Sucuudiga

0

Iyada oo ay dowladda Soomaaliya caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka u dhaxeeya boqortooyada Scauudiga iyo dowladda Canada, oo ay is dhinac taagtay maamulka Riyad ayey xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya si kulul u naqdisay go’aanka dowladda.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo qoraal soo dhigtay tirsiga ay ku leedahay barta twitter ayaa sheegtay in uu yahay wax lagu qoslo mowqfika dowladda federaalka ah.

“Waa wax lagu qoslo oo meel ka dhac ku ah guud ahaan haweenka meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed. Intii aan u doodi lahayn xuquuqdooda waxa aan dhinac istaageynaa wadan uu ka jiro dhaqanka carsi-jaahiliga, oo haweenka ula dhaqma sidii wax liita oo aan qiimo ku fadhin, waxa aan garaaceynaa durbaanka niyad-jabka” ayey tiri xildhibaan Sagal Isaaq Biixi.

Qoraalkeeda ayaa intaas ku daray, “Warqaddan-Bayaanka dowladda Soomaliya-kama hadleyso waxa ka dhex jira Sacuudiga iyo Kanada balse waxa ay bidhaamineysaa heerka sida arrimaha haweenka aysan ugu jirin siyaasadeenna iyo go’aamadeenna maalinlaha ah-waa wax laga xumaado” ayey tiri xildhibaan Sagal.

Xiisadda Sacuudiga iyo Kanada ayaa ka dhalatay markii ay xukuumadda Toronto sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.