AKHRISO:- Buuqa Ka Taagan Wasaaradda Arrimaha Dibada oo Meel Sare Gaaray iyo Wasiir Ku-xigeenkii oo shaqada Laga Joojiyay

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta Qaranka ka akhriyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, C/raxmaan Yuusuf Alcadaalla.

Xeer ilaalayaha Guud ee federaalka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dacwado loo heysto Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud oo ciidamo 4tii bishan August waxay xafiiskiisa iyagoo isku dayay inay xiraan balse ay u suurtoobi wayday.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka,” sidaas waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha, waxaana la sii raaciyay

“Markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

Eedaymaha loo haysto ee xeer ilaaliyuhu soo gudbiyay waxaa ka mid ahaa Ku Xadgudub Xatooyo xoolo dadweyne,Ku Xadguduba awood Xafiiseed,Ku Daneysi shaqsiyadeed xoolo Xafiiseed iyo diidid howl qabasho Xafiis iyo Ku xad gudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu cambaareeyay dacwada lagu soo oogay wasiir Ku-xigeenka iyo isku daygii lagu xiri lahaa, iyagoo ku tilmaamay wax ka baxsan nidaamka dowlanimo.

Sidoo kale, Qoraal ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda oo ku taariikheysnaa 5-tii bishan isla markaana loo diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay in hab aan sharciyeysan aan loo marin xil ka qaadistii lagu sameeyay Xoghayahii Joogtada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cali isla markaaana si cad ay uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada.

Xoghayaha joogtada ee xilka laga qaaday ayaa maanta si rasmi u wareejiyay shaqadii uu ka hayay wasaaradda, isagoo loo magacaabayo la taliye wasiirka arrimaha dibadda ee federaalka.