TOP NEWS:- Alshabaab oo Qarax la eegtay Ciidamadda Kenya

0

Xoogag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa qarax Miino waxa ay ciidanka Kenya kula eegteen degaan ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu.

Gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidanka Millatariga Kenya ee loo yaqaano (KDF) ayaa qaraxan si gaar ah ugu qabsaday inta u dhaxaysa Kenyatta Forest iyo Bodheey oo ka wada tirsan gobolka Lamu.

Saraakiisha ciidanka ammaanka dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inay kaga dhinteen ilaa Shan askari oo ciidankooda ka tirsanaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa Lix kale.