Muddooyinkii ugu dambeeyey gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi waxaa ku soo badanayey dilalka qorshaysan ee loo geysanayo dadka shacabka ah gaar ahaan dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Sool oo aan waxba laga qaban.
Qaar kamid ah dhalinyarada iyo waxgaradka gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo warbaahinta la hadlay ayaa afka furtay iyagoona siyaabo kala duwan uga hadlay dilalka aan loo meel deyin lagana daba imaan ee loo geysto dhalinyarada.