DEG DEG: Sadex Qarax Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa la sheegay in lagu weeraray ciidamo katirsan AMISOM oo marayay Isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa.

Goobjooge ayaa warbaahinta usheegay qaraxyadaasi in lagu weeraray Kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM, balse uusan cadeyn Karin cadadka khasaaraha rasmiga ee kadhashay qaraxyadaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay jareen isgoyska, sido kale wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay ridayaan rasaas xoogan oo dadka ay ku diidayaan in laga ag dhawaado.

 

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qaraxyadaasi, waxuuna sheegay inuu jiro khasaare dhimasha iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta ciidamada AMISOM.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee kasoo gaaray ciidamada AMISOM ee weerarka la kulmay, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxyada lagu weeraray ciidamada AMISOM.