AKHRISO:- Sucuudiga oo Dib U Soo Celiyay Markab Sida 27 Kun oo Neef Oo Xoolo Soomaaliyeed ah

0

Boqortooyada Sucuudigu carabiya amar ku bixisay in dib loo soo celiyo Markab siday 27 kun oo neef oo xoolo oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo reer Puntland ah

Markabka oo lagu magacaabyo Alafa ayaa siday xoolo gaaraya 27000 Neef. xoolaha ayaa dhoofay dekeda Boosaaso toddobaadkii hore, wuxuuna u rarnaa saddex nin oo ka gacansade xoolaha nool, kuwasoo kala ah:

Axmed Imbeeye oo 13,000 kun oo neef lahaa

Axmed Muuse oo 5000 kun oo neef lahaa

iyo C/weli Geesdiir oo 9000 kun oo neef

Dowladda Sucuudiga weli kama ayan hadlin sababta ay u soo celisay Xoolaha ka dhoofay Dekeda Bosaso oo loogu talagalay xiliga mowsimka xajka oo xoolaha Soomaaliya loo fasaxay in loo iibgeeyo Sucuudiga, Sidoo kale xukuumadda Federaalka iyo maamulka Puntland kama hadlin sababta keentay in xoolo intaa leeg dib loo celiyo.

” Dekeda Magaaladda Bosaso waxaa taagan maraakiib kale oo aan filayno in xoolo tiro badan ay u qaadaan, hase yeeshee waxaanu cabsi ka qabnaa xoolaha dib loo soo celiyay inay Saamayn ku yeelato xoolaha hadda diyaarka ah in loo qaado dalkaasi” Sidaas waxaa Sahanonline u sheegay ganacsade xoolaha dhoofiya oo ku sugan Bosaso.

Xiliga Mowsimka xajka, sucuudigu wuxuu Somaliya ka qaataa xoolo tiro badan iyadoo loo eegyo qiimaha neefka, waqtiga uu ku imaanayo wadanka sucuudiga iyo helintaanka xoolaha Soomaalida oo aad u fudud, iyadoo dhinaca Soomaaliyana dhaqaale farabadan oo lacagta adag uu ka soo galo.