Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka puntland ayaa waxa ay howlgal lagu xaqiijinayey amniga ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Bari gaar ahaan buuraleeyda Calmadow ee gobolkaas.
Qoraal lagu faah faahinayey howlgalkaas oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu diley 15 Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwas oo ku sugna Buuraha Calmadoow waa sida hadalka loo dhigaye.
Sido kale Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxa ay sheegeen in uu howlgalkaas sii soocn dooni,isla markaana ay ka go’an tahay in buuraha Calmadow ay ka saaraan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Deegaano ka tirsan gobolka Bari ee dowald Goboleedka Puntland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab,waxana jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya Warka ka soo baxay taliyaha Ciidamada PSF.