Akhriso:-Dowladda Jabuuti oo si Kulul uga hadashay Muwaadiniin laga dilay

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra”iisul Wasaaraha Dalka Jabuuti,ayaa lagu sheegay in aad uga Xun yihiin Muwaadiniinta looga dilay Rabshadaha ka socda Magaalada Diridhaba ee Dowlad Degaanka Soomaalilada Itoobiya.

War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu Xusay in Dowladda Jabuuti,ay aad uga xun tahay Dhibaatada Muawaadiniinta u dhashay Dalka Jabuuti loogu geystay Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ee Maal mahan ay Rabshadaha ka socdaan.

“Xukuumadda Jabuuti waxa ay cambaareyneysaa rabshadihii ka dhacay wadanka itoobiya gaar ahaan dhibaatoyinka loo geystay dadka reer Jabuuti oo u xagaay baxay Diridhaba,ka dib falalka dhagarta ah ee ka dhacay dalka itoobiya Madaxda Dowladda Jabuuti,waxay la xiriirtay madaxda Dalkaas si loo xaqiijiyo Amniga Muwaadiniintena ku sugan Dalkaas”.

Dhanka kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marnaba aysan waxba u dhimeynin Xiriirka ka dhaxeya Dowlada Itoobiya iyo Jabuuti,Rabshadaha ka soo cusboonaday Magaalooyinka Waa weyn ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in Dowladda Jabuuti ay bilaawday daad gureeynta Muwaadiniinta ku dhaqan Magaalada Diridhaba iyo Magaalooyinka kale ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ee ay Rabshadaha Xooggan ay ka socdaan.