Muqdisho, Somalia – Weerarkan oo sababy khasaaro kala duwan ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/08/2018 waxey dabley hubeysan ku qaadeen Gaari ay la socdeen Shaqaalo ka howlgalla Shirkadda Xawaaladda Kaah Express ee Magaalada Muqdisho.
Gaarigan oo ka yimid dhanka Xafiiska ARC ayaa marayay Isgooyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, markii uu lagu eekeeyay weerar gaadmo ahaa, sida uu goobjooge sheegay.
Waxuu sheegay in khasaaro dhaawac ah la gaarsiiyay Shaqaalaha Shirkada Xawaaladda, kuwaasi oo saarnaa gaariga la beegsaday.
Waxaa intaasi ku daray in raggi ka dambeeyay warkaasi ay isaga baxsadeen goobta, inkastoo Ciidamo goobta soo gaaray ay bilaabeen howlgallo ku aadan Weerarkaasi.
Shaqaalaha lagu dhaawacay weerarkan ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Aadan Isxaaq iyo Axmed Xasan, sida uu sheegay mid ka mid ah howlwadeenada Shirkada Kaah Express.
Dhaawaca labadan ruux ayaa loola cararay Isbitaal, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.
Weerarkan ayaa daba socdo digniino culus oo Ururada Al Shabaab iyo Daacish ay muddooyinkii dambe u dirayeen Shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho.
Labadan Urur ayaa in in muddo ah u goodinayay Shirkadaha, kuwaasi oo qaarkood lagu amray in ay bixiyaan lacago canshuuraad ah.
Si-kastaba, Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal dhowr ah oo qaarkood lagu beegsaday Shaqaalo ka howlgali jiray Shirkado si gaar ah loo leeyahay, kuwaasi oo fariimo hanjabaado ah kala kulmay Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.