WAR DEG DEG AH:- Madaxweynihii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo iscasilay.

0

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynihii Ismaamulkaas Cabdi Maxamuud Cumar uu iscasilay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kadib markii ay wada fadhiisteen Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Cabdi Maxamed Cumar in uu ogolaaday inuu xilka iskacasilo.

Madaxweynaha KMG ah Axmed Cabdi Maxamed (Axmed Ilka case).

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay si kumeel gaar ah xilka Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ugu dhiibeen Axmed Cabdi Maxamed (Axmed Ilka case).

Dhinaca kale ma jiraan warar kale oo faah faahsan oo laga helayo Jigjiga xarunta dawlad deegaaka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media