Wasiir Axmed Cawad” Waa la xaliyay xiisadii ka dhalatay Isku daygii xariga Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda”

0

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xal laga gaaray xiisad shalay ka jirtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdishi kaddib markii ciidamo Boolis ah oo watay warqad Maxkamadeed ay isku dayeen inay soo xiraan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa sheegay in muranka la xaliyay isla markaana ciidamada Booliska dib loo celiyay kaddib markii uu amray Ra’iisal Wasaare Khayre.

…..” Arrintaas waa la xaliyay, Ra’iisul wasaaraha ayaa amar bixiyay, Jeneraalkii Booliska ayaa xarunta tagay, ciidankii booliska dib ayaa loo celiyay Wasiirkana shaqadiisa ayuu wataa, wixii sharci iyo Maxkamad waqtigeeda leedahay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda oo hadlay Idaacada BBC.

Ciidamada gudaha u galay xarunta ayaa la sheegay iney wateen warqad Maxkamadeed oo aan Ujeedadeeda cadeyn balse la sheegay inay ka socotay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha.

Shaqaalaha iyo Ilaalada xarunta ayaa is hor-taagau isku dayga xariga,waxaana muddo kooban xarunta ka jiray buuq iyo muran taasoo markii dambr uu soo farageliyay Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska aanay soo marin wadadii sharciga ahaa sida in marka hore in mas’uulka xasaanas laga qaado iyo in aan mas’uul Xafiiskiisa jooga la xiri karin.

Muranka ayaa la sheegay in uu yahay mid salka ku heya muran u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan kharashaadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo gala oo Wasaaradda Maaliyadda dalbatay in lagu soo wareejiyo iyo baaritaan Xafiiska Hantidhowrka ka waday Xarunta Wasaaradda.