SAWIRO:- Madaxweynaha Puntland & khayre oo Ka Qayb-galay Sanad Guurada 20-aad Ee Kasoo wareegtay aasaaskii Puntland.

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 04 August 2018 ka qayb galay xuska sanad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Puntland 01 August 1998.

Xuska maalintani taariikhiga ah oo lagu qabtay Garoowe ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cadullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi , Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed , masuuliyiin ka tirsan xukuumadda DFS iyo Baarlamaanka Soomaaliya, Goloyaasha dawladda Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab aad u tiro badan.

Sodoo kale waxaa xafladda xuska sanad guurada 20-aad ee dawladda Puntland qayb ka ah kooxda Waaberi Puntland, taariikh yahano iyo fanaaniin kale.