DHAGEYSO:-Jubbaland oo ka hadashay Haween la sheegay in ay kufsadeen Ciidamada Kenya

0

Xilli Ciidamada Kenya lagu eedeeyay in ay kufsi ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa ka hadlay Maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in kufsiga lagu eedeeyay ciidamada Kenya ay baarayaan iyagoo kaashanaya dowladda Kenya.

Maamulka ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay arrimahaan kala hadleen laguna balamay in si wadajir ah loo baarayo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa shacabka Jubbaland ugu baaqay iney isdejiyaan oo ay ka war sugaan baaritaanka ay sameynayaan.

Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in degaano hoostagga Magaalada Baladxaawo ay kufsi ka geysteen ciidamada Kenya sidoo kalena ay burburiyeen xarumo ganacsi.