Akhriso:-Dhalinyaro Kenyaan ah oo ku biiray Al-Shabaab

0

Taliska sare ee Ciidamada Kenya ayaa sheegay in dhalinayaro kasoo jeeda Gobolka Waqooyo bari ee dalka Kenya ay u gudbeen dhanka Soomaaliya ayna qeyb ka noqdeen Dagaalamayaasha  Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhowr Maalmood kahor ay arintani dhacday oo dhalinyaro aan tiro yareen oo kasoo jeeda Waqooyi bari Kenya ayaa usafreen Soomaaliya oo ay ku biireen Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa qeexay sida ay udoonayaan Ciidamada Kenya in ay hardan adag la galaan waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagaxisada ah.

Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi bari waxaa had iyo jeer ka dhaca weeraro ay geeystaan garabka Shabaab ee Kenya oo Al-ayman lagu magacaabo, waxa ayna umuuqata in Laamaha amaanka ay wax ka qaban la’ayihiin Weeraradan.