Xildhibaan Fiqi “Siyaasadda qar iska tuurka ee Madaxweynaheenu dhaawaca ugu geystay

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka wuxuu uga hadlay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa xukuumadda Asmara.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqasho dhawaan uu ku tagay dalka Eritrea kadib hadal uu halkaasi ka jeediyay wuxuu Qaramada Midoobay kaga codsaday in cunaqabateynta laga qaado dowladda Eritrea.

Hadalkan waxaa aad uga carootay dowladda Jabuuti oo sheegtay in hadalkaasi aysan ka filaneyn Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna tilmaamtay in dowladda Eritrea ay Jabuuti ka heysato dhul, islamarkaana ay ku maqan yihiin muwaadiniin reer Jabuuti ah.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraalkiisa waxa uu ku sheegay Siyaasadda qar iska tuurka ee Madaxweyne Farmaajo in dhaawac uu ugu geystay walaalaha reer Djibouti, ayna tahay abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo islamarkaana laga garaabo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalka Xildhiban Fiqi bartiisa Facebooka ku soo qoray ayaa sidan u dhignaa:-

Taariikhda iyo Sooyaalka umadeed laguma bedeli karo hadal iska tuur ah iyo ficilo aan laga fiirsan oo miyir-qabka iyo dheelitirnaantu ka maqan tahay.

Siyaasadda qar iska tuurka ee madaxweynaheenu dhaawaca ugu geystay walaalaheen Djibouti waa abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo isla markaana laga garaabo!

Habdhaqanka Madaxweyne Farmaajo wuxuu i soo xasuusiyey xikmaddii aheyd “Bil Saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gayso”! Siyaasadda iyo go’aanada dawladeed waxey u baahan yihiin xeerin iyo xeeldheeri, geesinimo iyo kal-adeyg, Uma baahna tanaasul joogto iyo ku xadgudub qiyamta umadda

Djibouti waa walaalo, aysan jirin cid booskooda noo geli karta, xaalad kasta iyo waqti walbana waa garab taagannahay!