TOP NEWS:- Federaalka iyo Puntland oo Ku Heshiiyay in 600 Maxbuus Laga Sii Daayo Xabsiga Garoowe

0

Shirka wadajirka ee gollayaasha federaalka iyo Puntland oo maanta lagu qabtay caasimadda Garoowe ayaa qodobadii lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa aayaha iyo mustaqabalka maxaabiis tiro badan oo ku xiran Xabsiga Garoowe, kuwsoo loo haysto falal burcad-badeednimo ah.

shirka Wada jirka ah oo uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaaraha federaalka Xasan Cali Khayre, ayna ka qaybgaleen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli maxamed Gaas, iyo xubnaha gollaha wasiirada federaalka iyo Puntland ayaa lagu go’aamiyey in si dhaqso ah Loo sii daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe Magaaladda Garoowe.

Sida ay daabacay Wakaaladda wararka ee dowladda federaalka ee SONNA, Maxaabiistaan oo tiro ahaan ku dhow 600 boqol qof oo loo haysto falal burcad badeednimo ah, si ay ugu dhamaystaan xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka Dibadiisa, iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka Arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Cadaaladda dowladda Federaalka.

Maxaabiista lagu heshiiyay in la sii daayo waxaa dowladda Puntland ku soo wareejiyay wadamo dibada ah oo hore loogu maxkamadeeyay, waxaana lookeenay Puntland si inta ka dhiman xabsigooda ay ku qaataan dalka gudihiisa.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin qaabka, habka iyo goorta loo sii dayn doono, iyadoo la ogsoonyahay in Puntland ay heshiisyo la xiriira maxaabiistan la gashay Qaramada midoobay iyo wadamadii hore loogu xukumay maxaabiistan.