SAWIRRO:-Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Daah Furay Dood-Cimiyeed Loogu Magac Daray Doodaha Xagaaga

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  waxaa uu magaalada Garoowe ka daahfuray Dood-Cilmiyeed loogu magacdaray Doodaha Xagaaga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey daahfurka barnaamijkan Ra’iisul-wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, qaar kamid ah golayaasha Dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo xeel dheerayaal ka qayb qaadanaya dooda.

Dood-Cimiyeedkan oo loogu magacdaray doodaha Xagaaga (Summer Dialogus) ayaa waxaa qabashadiisa iska kaashaday Diakonia iyo Sidra, iyadoona madasha la isugu keenay dad aqoonyahano ah oo ay dhex mari doonto dood cilmiyeed ku saabsan puntland iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxii u qabsoomay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima ka jeediyey madashaasi ayaa waxaa ka mid ahaa hadalo kooban uu jeediyey,-

“Waan idin salaamayaa dhammaantiin ee uu ugu horreeyo Ra’iisul-wasaare kuxigeeka iyo Gudoonka Baarlamaanka, waana ku faraxsanaha inaan kasoo qayb galno dood cilmiyeedkan runtii loo baahnaa, waan u mahdnaqynaa Sidra oo soo qabn qaabisay oo fikirka nala wadaagtay dabadeedna aan ku raacnay  iyo intii dhaqaale ku bixisay mashruucani inuu hirgalo, kaqayb galayaasha dood cilmiyeedka iyo intiina furitaanka kasoo qayb gashayna aad baa u mahadsantihiin” Puntland 20 sano bay jirsata waxaan ka sheekeenaynaa quruxdii iyo wanaagii, lakiin dadbaa wanaageeda lahaa aasaasideeda lahaa in badnoo kamida waa ay geeriyoodeen aan u duceyno, ilaahay janadii haka sawaabiyo meel wanaagsan bay nooga tageen, waana lagu xasuusan doonaa dhammaantood ama isimo hanoqdeen, ama dad shacab caadiya hanoqdeen, ama madaxdii dalka soo martay hanoqdeen, alaha u naxariisto dhammaantood,  Puntland abaal wayn bay ku leedahay Soomaaliya, hada hadaan dhahno Puntland maxay tartay Soomaaliya oo Puntland doorkee bay ku lahady dowladd soomaaliyeed, imisa qof baa kaga dhimatay juhdi intee le’eg baa la geliyey,  waad garan kartaan abaal wayn bay Puntland ku leedahay Soomaliya, runtu taa weeye,  maaha waxaan ku faanayno xaqiiq jirto oo dhab ah  weeye”

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii Marxuum Cabdifataax Maxamed Cali iyo Marxuum Axmed Maxamed Doolaal oo ahaa siyaasiyiin reer Puntland ah oo ku geeriyooday qarax lala beegsaday, xili ay ku sugnaayeen Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.