Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo Magacowday Guddi

0

Dowladda Soomaaliya ayaa magacowday Guddi baaritaan ku sameeya Xadgudubyadda iyo dilalka Ciidamadda Kenya ay ka wadaan Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe qodobadii loogu hadlay waxaa kamid ahaa Amniga, Qaraxii Buuhoodle, Maxaabiista u xir xiran burcad badeednimada, xaalada ka taagan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan weerarrada lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay kadib shirka ayaa sheegay in Dowladda ay Magacowday guddi baara Xadgudubyadda Ciidamadda Kenya ay kawadaan Gobolka Gedo,islamarkaana baaritaanka kadib la shaacin doono go’aanka.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya marka ay hubsato heerka ay arrinta gaarsiisan tahay, ayey go’aan ka gaari doontaa” ayuu yiri, sidoo kalena wuxuu sheegay inay ka shaqayn doonaan in dadka dhibanayaasha ah ay magdhow helaan.

Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga afrika AMISOM ayaa bishaan gudaheeda waxa ay weerar ku qaadeen xarumo ay Gobolka Gedo ku laheyd shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Dadka ku dhaqan deegaan dhuntow oo ka tirsan Ceelwaaq ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan militariga Kenya ay halkaasi ku dileen laba qof oo dadka deegaanka ka tirsan,iyadoo sidoo kale burburiyay xarunta Hormuud.