TOP NEWS:-Madaxdii Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo Dagaallamayaal Shabaab oo la qabtay

0

Dagaalamayaal Iyo Saraakiil katirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Howgal Ciidamada Xooga Soomaaliya ay ka sameeyen Deeganno hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Waabarigii hore ee saaka Howgal ay sameeyeen ay kusoo qabteen Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.

Waxaa lasoo qabtay 32 dagaalame oo ay ku jiraan Saraakiil sare oo Shabaabka ka tirsan.
Saraakiisha lasoo qabtay ayaa waxaa kamid Nin Magaciisa lagu sheegay Cumar Dheere oo Al-shabaab u qori jiray Caruurta u dagaalanta.

Cumar dheere ayaa saraakiisha Amaanka u sheegay in 300 oo Dhalinyaro ah uu sanadkan qoray Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa lasoo qabtay Madaxii Qaraxyada oo Magaciisa lagu soo gaabshay Iidoow.
Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa waxa ay wadaan Howgallo lixaad leh maalmihii lasoo dhaafay iyaga oo bartilmaameedsanaya meelo lagu tuhunsanyahay xubno Al-shabaab ka tirsan ee Gobolka Shabeelaha Hoose.