Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Amniga gudaha dawlada federalka Soomaaliya oo kusugan magaalada Garowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa booqday Xarunta Hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee Garowe.
Maxamed Abuukar Islow Wasiirka wasaaradda Amniga gudaha ayaa socdalkii uu ku tagay xaruntaasi kadib wuxuu kulan la qaatay Masuuliyiinta Hay,ada isagoo warbixin ka dhagaystay Madaxda iyo shaqalaha xaruntaasi waxaana sidoo kale uu kormeer ku tagay goobaha loogu adeegayo shacabka.
Wasiirka ayaa bogaadiyey qaabka ay u socoto Hawsha Hay,ada wuxuuna kula dardaarmay shaqalaha iyo madaxda inay sii labo jibaaraan dadaalka ay wadaan ee ku aadan shaqada ay Bulshada u hayaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayey arimaha Puntland iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha faraceeda Puntland, uu shaqo ahaan si toos ah hoos tagto wasaaradda Amniga Gudaha sidaasna ay ku soo gaareen uguna booqdeen.