Madaxweynhihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay Cabasho kasoo yeertay Dowladda Jabuuti

0

Muqdisho-KMadaxweeynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war uu kusoo qoray Barta uu ku leeyahay Mareegta Facebook waxa uu kaga hadlay Isbadalada Gobolka Geeska Afrika xilligan ka taagan waxyaabo kamid ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gooniya waxa uu uga hadlay arinta Jabuuti iyo Dowladda Soomaaliya Sida ay uwajahday Xiriirka Curdunka ah ee ubilaawday iyada Iyo Ereteria.

Qoraalka Madaxweenihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo an kasoo qaadanay Bartiisa Facebook ayaa sidan u qoraa.

Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.

Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda, suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay, waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha Hiil Walaal ee naftooda Soomaaliya u huray, dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.

Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan nafta, Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.

Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa caruur ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya, sidoo kale meeqa Marwo ayaa seygii ay jeclaayeen ku waayay Soomaaliya ama meeq Hooyo ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.

Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan Mowqifka ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.

Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:-

“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”