Khayre iyo Gaas oo Gaarey Xaruntii Wasaaradda Maaliyadda Shir hadda Socda

0

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in horumar laga sameeyey wadahadaladii u dhexeeyey Puntland iyo xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee Garoowe ka socdey kulamo u dhexeeyey xubno ka socdey golaha wasiirada Puntland, wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda deegaamada Puntland ee ku jira golayaasha dowladda Soomaaliya.

Kulamadaan xasaasiga ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayey xallinta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, waxaana xogtii ugu dambaysay ay sheegaysaa inuu dhici doono shirkii goalaha wasiirada Soomaaliya oo Garoowe loogu balansanaa.