DHAGEYSO:-Madaxda Maamulka Galmudug oo isku khilaafay xilka qaadista Guddoomiye degmo

0

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu xilka uga qaaday Guddoomiyihii degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud Jaamac Xayle Maxamed.

Xilka qaadista Guddoomiyihii Balanbale ayaa waxa ay abuurtay khilaaf cusub oo soo kala dhexgala Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo ku-xigeenkiisa Maxamed (Carabey).

Guddoomiyaha degmada Balanbale ee xilka laga qaaday Jaamac Xayle Maxamed ayaa sheegay xilka qaadistiisa inay ka dhalatay Hay’ad degaanka ka shaqeyneysay oo shaqo joojin uu ku sameeyay.