Akhriso:-Dowladda Uganda oo soo dhaweeysay go’aankii QM ee muddada loogu kordhiyey hawlgalka AMISOM

0

Afhayeenka  Milliteriga Uganda, Richard Karemire oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Go’aankii Golaha Amm,anka ee QM ee lagu kordhiyo Xilli-hawleedka AMISOM, isla markaana uu Go’aankaasi yahay tallaabo gacan ka geysan doonta sidii loo xaqiijin lahaa  qaar ka mid ah Hadafyadda Istaraatijiyadda leh.

waxa kale oo u usheegay in Qaraarkii Golaha Ammanaka ee QM ee Tirsigiisu ahaa 2431 u fasaxayo Ciiddamadda inay helaan Inkaaniyaadka muhiimka si  ay gacan u siiyaan Geeddi-socodka Siyaasadda Somalia, Xoojinta Awoodaha Ciiddamadda Soomaalida iyo in ay AMISOM ku guuleystaan La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Wxaa kale oo uu sheegay in Qaraarka QM uu fursad siinayo inay Dowladaha ay ciiddamadad ka joogaan Somalia sii wadaan Hawlgalkooda, si loo geero Arrimaha muhiimka ee lagu taageerayo Ummadda Soomaaliyeed.