DHAGEYSO+SAWIRRO:-Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigey dhismaha dekeda Garacad

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigey deked cusub oo laga dhisayo deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Dhagax dhigida dekedan oo hore loo qorsheeyay inuu si rasmi ah u dhagax dhigo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa saacadihii ugu dambeeyay uu ka baaqsaday ra’iisulwasaaruhu inuu dhagax dhigo kadib markii cadaadis badan ay ugaga yimaadeen siyaasiyiinta dowlad goboleedka

Hase yeeshee Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan baahida dadka kunool gobolka Mudug qeybta Puntland. Hase yeeshee Madaxweynaha

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sidoo kale sheegay in dhowaan loo raadin doono dhismaha dekeda maalgelin iyadoo deegankana laga hirgelin doono mashaariic horumarineed.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dekeda Garacad ay maalgelin doonto dowlada Ethiopia. Maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa ka bilowday tartan ah dhismaha dekedaha kadib markii dhowaan ay dowlada Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in maalgelin lagu sameeyo illaa afar dekedood oo dalka ah.