QORMO:- Ha Ku Daalin Dhaliisha Dowlada, Balse Ku Dadaal Ficil Ahaan Waxaad Dalkaaga Ku Biirin Laheyd. W/Q: Asadnaa Suudi.

0

Madaxweynihii sodon iyo shanaad (35) aad ay soo marey wadan Mareykanka John F. Kenedy ayaa Janaayo 1961 maalintii dhaarta uu xafiiska kula wareegayey ka jeediyey hadal qiimo badan oo dhagaha dadka niyadsamida wadaniyeed leh raag ku yeeshey kaasoo uu ula jeedey in dadka fikirkoodu yahey maskaxda dowladu ku shaqeeyso sidaa awgeyd ay macalimiinta, ardeyda iyo qof walba aragtidiisu wax tar weyn u tahey dowlada. Isagoo yidhi “Ha isweydiin waxa wadankaagu kuu qabtey, laakiin isweydii waxa aad adigu wadankaaga u qabatey”.

Hadaba qofka daawanaya banooniga iyo kan ciyaaraya sidee latahey waxaa xariifsan kan daawanaya oo ay u muuqataqaa dhaliisha iyo habacsanaanta ka dhex jirta ciyaarta balse dhab ahaan waxaa dadaal badan oo sidii uu ku guuleysan lahaa ku hawlan qofka garoonka kujira.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dhaliil muuqata oo ishu qabaneyso durbadiiba taasoo aan u baahneyn laacibnimo in aad ku daraaseysid ama ku fahntid meesha dhaliishu ka muuqato iyo meelaha laga ilduufey oo mudan in farta lagu taago si wax looga qabto.

Waxaan daawadey qaabka loo soo dhaweeyo madaxda sare ee dalka markey safar shaqo ugu kacitimaan dalka gudo iyo dibedba ama iyagu kusoo dhaweyaan madaxda kale ee wadanka soo booqoneysa.

Safaradii ugu dambeeyey ayaan Isbar dhig ku sameeyey. labo sawir oo ishu qabtey ayaa waxey kala ahaayeen mid uu madaxweyne Farmaajo oo Asmara booqanaya iyo halka ay wada taaganyahiin (Platfotm) ka labada masuul (Madaxweyne Farmaago iyo Isias Afwerki) marka laga raacayo astaanta wadamada (national anthem) ayna salaan sharafta bixinayaan ciidamada bambeyda halkaas oo ah meel taag ah isla markaana dedan oo dusha sare ka daboolan halka labada calana ay ka dul babanayaan labo waran oo dusha saqafka sare laga taagey. qoraxda, dabeesha iyo roobka laga xeendaabtey hadiiba mid kood jiro,

Halka mid ka labaad uu yahey Madaxweyne Farmaajo uu isagu Mogadishu kusoo dhaweenaayo Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy ahmed halka ay labada masuul wada taaganyihiin (Platform) ka ay tahey meel taag yar ah oo korka kabanaan labada calana waramo dhulka ku mudan ay ka babanayaan. dabeesha, saxarka, qoraxda iyo roobka aan wax xeendaab ah u dhaxeyn.

Sawirada aan kor kusoo xusey markaad isku fiirisid waad dareemi kartaa quruxda iyo haybada kamuuqata laba muuqaal. ciidanka salaan sharafta bixinaayana iyo meesha madaxdu ay istaagto ay (Platform) ka loo yaqaano marka laga raacaayo astaanta wadamada (National anthem) inta lagu guda jiro gegida diyaaraha iyo madaxtooyada waa muraayada wadanka laga fiirsho ee mar walba mudan in la qurxiyo.

Xukuumadu aad ayey wax uga qabatay arrimo badan, wayna ku mahadsan tahay, meelaha u baahan in ay sii qurxiso iyaga oo aanay wax weyn kaga baxeynin oo qarash ah isla hawshii qaab kale loo dhigo bilicda iyo haybada dawlada wax ka taraysa ayaa waxay tahay qaabka loo qurxin karo dharka ciidanka salaan sharafta bixiya ee marna munaasabadaha wadaniga ah salaan sharafta siiya madaxda dawlada xilliyada madaxdu dalka soo booqato-na soo dhaweeya. Waxaan qabaa talaabo wanaagsan in ay tahay meelaha qaarkood in aynu isku dhererino dalalka hareeraha inaga xiga, inaga oo aan u gudbin dalalka kale inaga fog.

Tusaale ahaan wadamada aan isku urur gobaleedka wadanahey nahey ee (IGAD) iyo kuwa deriska inala ah Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Sudan iyo Ereteriya haddaad u fiirsatid askarta salaan sharafta bixisa qaabka labis koodu yahay wax badan ayaa laga faa‘iidi karaa, qaab ka sii qurxoona loo sii habayn karaa askarteena, oo koofiyadaha biraha ah ee gudguduudan/cascas kuwo ka haboon loogu badeli karo, dharkan kaakiga ahna qaab casriya loogu badeli karo waa isla dhaqaalihii uun oo qaab sidan ka duwan loo adeegsan karo.
Askartan waxay ka tirsan yihiin madaxtooyada maadaama ay had iyo jeer madax hortaagan yihiin, waa muhiim in muuqaalkooda la qurxiyo,

Dhawaan xafiisyada madaxtooyada aad ayaa wax looga qabtay, waxaad xataa ka dareemaysaa labiska shaqaalaha madaxweynaha iyo raysul wasaarasha gaar ahaan dhalinyarada ku hareeraysan oo muuqaalkoodu aad u qurxooyanhey suudhadka ay ku labisan yihii gaar ahaan dhalinyarada raysul wasaaraha la shaqeeya.

Ugu dambeytii.

Marka laga yimaado wadaniyadnimada, wanaaga iyo quruxda qofka muwaadinka ah uu wadankiisa soomaaliya la jecelyay waxaan rajeynayaa in aan arko mustaqbalka dhow in wax laga badalo arimahaas aan horey loogu baraarugsaneyn wax kaqa bashadooda. maskaxda oo tuujiyo ayaa waxaa kala dhalan karo wax yar oo fikir ah oo bilicda iyo muuqda wadanka wax weyn kabadeli kara. arintaasi waa waxa ugu yar ee talo wadaag ah oo aan kaga qayb qaadannkarno horumarka wadankeyna kasocda anagoo cidna magan uga noqon. horaaa loo yidhi (Every thousands miles began with single digit step) “wada walba oo weyn laami ah waxey kasoo bilaabataa hal taako oo socod ah”.

Asadnaa Suudi,

Columbus, Ohio USA.

Can be reached at asadnaa@gmail.com

Falanqeeyo Siyaasadeed.