Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Sheegay in Wax laga qabanayo Nafaqo Daradda Caruurta

0

Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa xili uu magaalada Garowe ka daah furayey Barnaamij looga hadlayey Nafaqaddarada Caruurta sidii looga hortagi lahaa wuxuu sheegay in Sanadkan ay qorshe wayn u dajiyeen.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Camey ayaa sheegay Bisha Ogtoober ee sanadka gudihiisa ay mashruuca la dagaalanka Nafaqo daradda u kordhin doonaan mudda lagula dagaalamayo isagoo sheegay inay jiraan baahiyo ka jira gobolada Dalka.

Wuxuuna sidoo kale soo dhaweyey madaxweyne ku xigeenku dagaal lagula jiro Nafaqo Daradda deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Mashruucan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa u jeedadu ahayd inaan la hilmaamin in wali deegaanada Puntland ay ka jirto Nafaqo Darro.

CAMEEY allgalgaduud
CAMEEY allgalgaduud