Cabdiqaadir Xasan Hirmooge oo ah Afhayeenka Jabhadda OLNF ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan booqahshada Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Asmara,uu kulamo la qaatay Madaxweyne Assias Afwerki iyagoona kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal,amniga iyo dhaqaalaha.
Afhayeenka OLNF Hiirmooge oo waraysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa cod dheer ku sheegay in kulanka Farmaajo iyo Assias Afwerki ay rajeynayaan inay kasoo baxaan qodobo isku soo dhaweynaya labada dal.
….” Soomaaliya,dowladihii u dambeeyay waxay ahaayeen kuwa loo adeegsanayay in lagu cunaqabateeyo dalka Eritrea,laakiin talaabadii uu qaaday Farmaajo waxaan aragnaa inay tahay mid muujinaysa ficil ka duwan taas,ayuu yiri Hiirmooge
Mar wax laga weydiiyay haddii ay rajeynayaan inay wafdigooda ku sugan magaalada Asmara ay kulan la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in qorshahooda ugu jirin xiligan walow uu rajo ka muujiyay in mustaqbalka kulmaan.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Jabhadda OLNF ku tilmaantay urur Argagaxiso,mar qodobkaas wax laga weydiiyay ayuu sheegay in qodobkaas kala hadli doonaan Madaxda dowladda marka ay kulmaan.
Jabhadda OLNF oo dagaal kala soo horjeeda dowladda Itoobiya ayaa xafiisyo ku leh dalka Eritrea ,halkaasoo uga socdo Shirweynaha Uruka,kaasoo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo.