SAWIRRO:-Soo dhawaynta ra`iisul wasaaraha soomaaliya ee garoowe

0

Ra`iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Soo dhaweynta Raiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay si weyn looga dareemayay Garowe iyo deegaanada kale ee maamulkaas waxaana wadooyinka magaalda gudeheeda  lagu hardhay boorar sawirka Ra`iisul wasaaraha lagu dhejiyay magaciisana lagu qoray.

Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana meelaha qaar lagu arkayaa Ciidamo badan oo taagan wadooyinka kuwaas oo sugaya amaanka magaalada.

Ra`iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in kulamo uu la qaato madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo mas`uuliyiinta kale ee maamulkaas