Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa taariikhdiisa markii ugu horeysay soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey madaxweynaha dowladda Puntland iyo xubno katirsan golayaasha dowlada.
Boqolaal qof oo kamid ah bulshada kunool magaalada Garoowe ayaa kusugan inta u dhaxaysa garoonka diyaaradaha iyo bartamaha magaalad, halka kumanaan kalena ay ku sugayaan barxadda weyn ee magaalada Garoowe.
Ra’iisulwasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland ayaa shir jaraa’id ku qaban doona Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, iyagoo ka hadli doona ujeedada socdaalka Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre.