Kooxo hubeysan ayaa goor dhow Askari ka tirsanay Ciidamada dowlada ku dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoog ah ragii dilka geystay oo ku hubeysnay Bistoolado ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona Ciidamo ka tirsan dowlada halkaas ay gaareen.
Askariga la dilay ayaa ka tirsanay Ciidamada Booliiska ee Saldhiga degmada Hodan.