Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Ku wajahan magaaladda Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Wafdi horu dhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Garowe, kuwaasoo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano.
Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga Raisulwasaaraha ayaa ka socota magaaladaasi,iyadoo madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada ay isku diyaarinayaan sidii ay soo dhaweyn diiran ay ugu sameyn lahaayeen wafdiga.
Sawiradda Raisulwasaaraha ayaa lagu dhajiyay Wadooyinka Magaalada Garoowe,waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Magaaladaas.
Booqasho Raisulwasaare Kheyre ee Puntland ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto ka qeyb galka sanadguuradii 20-aad ee aas aaskii Puntland,taasi oo ku began 1-da bisha soo socta ee August 2018,iyo booqasho uu ku tagi doono Magaalooyin ka mid ah puntland.
Dhanka kale Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu wadaa in markii u horeysay todobaadkan uu ka dhaco magaalada Garowe,waxaana loogu hadli doonaa xaalada dalka.
Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Puntland tagaya Tan iyo markii loo doortay Xilka raisulwasaaraha Soomaaliya bishii February sanadkii 2017-kii.