AKHRISO:- Goolhaye caan ka ahaa Somaaliya oo geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa geeriyooday Axmed Cabdalla oo ahaa Goolhayihii hore xulka Qaranka Soomaaliya,isaag oo ku jirey Isbitaal ku yaala Magalada Isparta Ee Dalka Turkiga.

Axmed ayaa sedexdii cisho Ee la soo dhaafay aad u xanuunsanayay Iyadoo xanuunka uu si aad ah ugu soo kordhay,isla markaana ugu dambeyn uu caawa geeriyooday.

Goolhaye Axmed Cabdalle oo ahaa Goolhayaha xulka Qaranka Soomaaliya ayaa waxa uu mar u Ciyaarey Kooxda Kubbada Cagta Elman oo uu waqti badan kusoo qaatay,waxaana amrkii ugu dambeysay uu u ciyaarayey Kooxda Kubada Cagta Jenya.

Allaha u Naxariistee Goolhaye Axmed Cabdala ayaa waxaa xanuun loogu qaatay dalka Turkiga,ka dib markii xaaladiisa caafimaad ay noqotay mid aad u daran.