Dr.Maxamed Cali oo ka tirsan Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa hadlay arrimo la xiriira Xoolaha dheddiga ah,iydoona Wasaarada Xanaannada Xoolaha ay soo saartay digniin.
Waxa uu sheegay Dr.Maxamed in Wasaarada ay mamnuucday Xoolaha dheddiga ah in la gowraco xiliga Ciidda Carafo,islamarkaana waxa uu sheegay in dadka looga baahan yahay in falkaas aysan ku dhaqaaqin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xoolo aan Wasaaradda Xanaannada Xoolaha soo marina aan la gowraci karin xiliga Ciidda Carafo ee nagu soo food leh.