Wasaarada Duulista iyo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta dawlada Soomaaliya ayaa si wadda jir ah u beeniyey warar baraha bulshada lagu baahiyey kuwaasoo sheegayey in Xujayda Soomaaliyeed laga qaadayo $3.900 oo Dollar.
Wasiir Dawlaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafka dawlada Soomaaliya Mudane C/xakiin Xassan Ashkir oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Jiddaha ee Sucudiga ayaa sheegay inay Xujayda Soomaaliyeed si wanaagsan u soo xajin doonaan sanadkan.