DHAGEYSO:-Nabadoon Xalay la sheegay in lagu dilay Muqdisho oo la beeniyay in uu Geeriyooday

0

Xili Maamulka Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ay sheegeen in Xalay Nin Nabadoon ah ay ku kooxo hubeysan ay ku dileen Xaafada Dabaqeeyn ee Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Xubin ka tirsan Maamulka Degmada Dharkenley ayaa sheegay in Ninka Nabadoonka ay Xalay Koox hubeysan ay ku dileen Xaafada Dabaqeeynka ee Degmada Dharkenley,isla markaana ay goobta ka baxsadeen.

Waxa uuna Mas”uulkaan tilmaamay in Ninka la dilay lagu Magacaabi jiray Saleebaan Koofi,ayna dilkiisa ka dambeyeen Rag ku hubeysana Bastoolado,isla markaana ay ku daba jiraan Raggii dilkiisa ka dambeeyay.

Dhanka kale Mid ka mid Ehalada Nabadoonka ayaa beeniyay in uu geeriyooday Nabadoon Saleebaan Koofi,isla markaana ay hadda Xaaladiisa ay tahay mid soo hagaageysan,lagu dabiibayo Isbitaalka Digfeer ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.