DHAGEYSO:-Madaxweynaha Khaatumo oo Gaarey Tukaraq iyo Xaaladda oo Kacsan

0

Madaxweynaha maamulka Khaatumo iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaarey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa waxa uu digniin culus u diray ciidamada maamulka Soomaaliland iyo saraakiisha hogaaminaysa, wuxuuna sheegay inay dagaal culus kula wareegi doonaan deegaamada ay ka joogaan gobolka Sool.